Copyright ® 2008 Dankahadal.com

 

 

 

                                    Contact us     shiine@dankahadal.com

                                               

Ra'iisul Wasaare Saacid oo maanta Muqdisho ka furay shir Weynaha qaran ee dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir heer qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada, Hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xeeldheerayaal dhinaca waxbarashada, oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dibadiisaba. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadda uu madasha ka jeediyey ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorshaynayso inay miisaaniyad balaaran u qoondayso waxbarashada dalka.

Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Marwo Maryan Qaasim oo ka hadashay furitaanka shirka ayaa sheegtay in shirkani bilow u yahay sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya.

Drs Maryan Qaasim ayaa sheegtay in wasaaradeeda ay soo qabanqaabisay shir weynaha waxbarashada dalka, ayna gacan ka siiyeen hay'adaha UNESCO iyo UNICEF

Wasiirad Maryam waxay ku boorrisay ka qeyb galayaasha shirka in ay keenaan afkaar la xiriirta tayeynta Waxbarashada Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday in ay u midoobaan mustaqbalka iyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Waxeyna sheegtay in muuhiim gaar ah la siin doono dib u habeynta waxbarashada dalka, sababta shirkan loo soo qaban qaabiyayna ay tahay in guud ahaan dalka waxbarashadiisa ay noqoto mid isla jaan qaada.

Ra'iisul Wasaaraha Shirdoon ayaa sheegay in dowladdiisa ay waxbarashada u qoondeysay miisaaniyad la mid ah tan Amniga sida uu yiri.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u soo noolaynta tacliinta sare waxaana uu sheegay in dawladdu ku hawl-jirto in Jaamacadii Ummada dib loo furo.

Shirka dib-u-soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaana laga soo saari doonaa qorshe qaran oo ay hagayso Wasaaradda Hormarinta iyo Adeega Bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelan doonto kaddib 22 sano.

 

Xafiiska Wararka dankahadal

Bergen Norway

shiine@dankahadal.com

AMA-dankahadalcom@hotmail.com